Dowladda Somalia & Midowga Yurub oo ka wada hadlay dardar gelinta dagaalka Al-Shabaab

Wasiir Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soiomaaliya  Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xooiinta iskaashiga ka dhexeeya DFS iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya , iyo Xoojinta iskaashiga Ciidan , Dargalinta Dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Al-Shabaab.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha Midowga Yurub sida ay had iyo jeer u taageeraan Dowladda Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in uu dardar geliyo.

Dalalka Midowga Yurub ayaa Soomaaliya waxaa ay ka taageeraan dhinacyada tababarida iyo qalabeynta Ciidamada dowladda iyo bixinta qeyb kamid ah mushaarka Ciidamada iyo Arrimo kale.