Puntland oo soo dhaweysay tilaabooyinka Rooble ee Siyaasadda Arrimaha dibada

Maamulka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Maamulka Puntland ayaa bogaadiyay garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka.

Maamulka Puntland sheegeen in ay  Dowladda Imaaraadka uga mahacelinayaan gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen,  waxaana rajeynayeen gurmadkaasi inuu wada gaaro dhammaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomay deeq gargaar ah dowladda Imaaraadka Carabta ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay, ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.