Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta dhalashada iyo sugnaanta iyo xarunta taliska ciidanka ilaalada deegaanka ee dowlada hoose Xamar.
Kormeerkan oo ahaa mid kadis ah ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu u kuurgalaye howlaha kala duwan ee xarumahaasi ka socda iyo sida loogu qidmeynaayo bulshada.
Sidoo kale duqa Muqdisho ayaa intii uu ku sugnaa Xarumaha uuu kormeeray waxaa uu warbixino kala duwan ka dhageestay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha xarumahaas.
Kormeerkaam kediska ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku tegay xarunta laga qaato dhalashada iyo sugnaanta ayaa kusoo aadeysa xilli shacabka qaarkood ay Xaruntaasi cabasho ka muujinayeen.



