Sayeeda Warsi oo is casishay

Gudoomiyihii hore ee xisbiga Conservative-ka Briatin ayaa iska casishay kooxda u ol’oleyneysa in dalkaasi uu ka baxo Midowga Yurub, ayada oo kooxdaasi ku eedaysay in ay faafinayaan jinsi naceyb.

Sayeeda Warsi ayaa sheegtay in fekerkeeda uu bedelay tabeello uu soo bandhigay xisbiga doonaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ee UKIP.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in ololaha lagu doonaya in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub oo hadda xoogeystay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka, FRANK-VALTER ISHTAYNMAYER, ayaa ku celiyay in dalkiisa uu doonayo in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

Wasiirka oo ka qeybagalaya shirka wasiiradda arrimaha dibedda ee Luxembourg ka socda ayaa sheegay in ay isha ku hayaan aftida Britain ka dhacaysa Khamiista.