Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, General: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” ayaa Kormeer ku qotomey dadar galinta howlaha Ciidamada iyo dardaaran la xiriira adkeynta nabadgalyada ugu tagey Ciidamada Guutada 15-aad ee ku sugan inta u dhexeysa Deegaanada Ceeldheere iyo sinadhaqo ee Gobolka Galgaduud.
Kormeerkan oo Taliyaha ay ku wehliyeen Taliyaha Guutada 15-aad, General: Mascuud Maxamed Warsame iyo Saraakiil kale ayay kusoo mareen fariisimaha Ciidamada, iyagoo ku booriyey askarta iyo saraakiisha hoggaamineysa in ay dardar galiyaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, General: Maxamed Cadoow Cali “Sanka” ayaa ugu baaqay Ciidamada iyo Saraakiishooda inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.



