Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu safar ku tago Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.
Madaxweyne Deni oo shalay gaaray Garoowe, kadib safar uu ku joogay Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Maanta uu Magaalada Qardho tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland oo ku sugan Xerada Tababarka Ciidanka ee Xorgoble.
Wararka kale ee la helaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni in maalmo uu ku sugnaan doono Magaalada Wardho si uu usoo xiro barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha.



