Maxkamad xukun ku riday Muwaadin Somali haysta dhalashada Sweden

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Farhan Abdirizak oo 40-jir ah  waxa uu ka hor qirtay Maxkamadda Guurguurta ee Dembiyadda ee magaalladda Dublin inuu tahriibinayey Muhaajir Somali oo uu si sharci-darro ah ku gelin lahaa dalkaasi.

Qareenka u doodayey Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu  Farhan Abdirizak isku dayey inuu ka taageerayey Ina Adeerkiisa sidii uu ku soo geli lahaa Ireland.

Bishii November 1-dii ee sanadkii hore ayaa waxay Saraakiisha Xafiiska Socdaalka ee the Garda National Immigration Bureau) ee ku yaalla Garoonka Diyaaradaha ee Dublin Airport ku qabteen  Nin ku saafrayey Dukumentiyo Macmal ah, kaasi oo sheegy inuu la safrayey Farhan Abdirizak, balse, marna ma sheegin inay ehel yihiin.

Dhanka kale, Farhan Abdirizak waxa uu Maxkamadda ka sheegay inuu Ninkaasi oo ka yimid Somalia, kadibna uu Giriiga ka soo galay Turkiga uu ka codsaday inuu  taageero.

Farhan Abdirizak  oo cinwaan ku leh magaalladda NoorKopling ee dalka Sweden waxa uu beeniyey inuu yahay Mukhalas dadka tahriiba ama lacag ka qaata, balse uu Ninkaasi u cawiyey Aadminimo iyo inuu Xaallad Adag ku jiray.

Garsooraha Maxkamadda, Elma Sheahan  waxay hakisay xabsi 2 sano iyo bar oo lagu xukumi lahaa Eedeysanaha, iyadoo ka jartay hal sano oo muddadii uu xirnaa ahayd, waxayna ugu dambayntii ku xukuntay xabsi 18 bilood ah.