DHAGEYSO: Dowladda oo baaraysa maxaabiista ku xiran xabsiyada dalalka Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan dheeri ah ku sameyn doonto maxaabiista ku jirta qaar ka mid ah xabsiyada waa weyne ee qaarada Afrika.

Danjire Jamaal Maxamed Baroow oo dowladda Soomaaliya u qaabilsan dhowr dal oo kuyaala koofurta Afrika fadhigiisuna uu yahay dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in ay ka war heleen in ay jiraan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo ku jiro xabsiyada dalalka uu wakiilka ka yahay.

Waxaa uu sheegay in safaaradiisu ku howlantahay sidii loo soo deyn lahaa dhalinyarada ku jirta Xabsiyadaasi.

Waxa uu sheegay in safaarada ay ku dadaali doono sidii dowladda Soomaaliya gacanteeda loogu soo wareejin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyadaasi.