Somaliland oo ka joojisay Arday wax uga baran jiray Gobolka Tigreega

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliland ayaa joojisay Aday ka tegay degaannada Soomaaliland ee waxka baran jiray jaamacado ku yaal Gobolka Tigreega Itoobiya, kuwaas oo kasoo cararay markii uu dagaalka bilaawday, balse haatan qorsheynayay inay dib ugu laabtaan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)  oo Maanta  hortegay guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa ka warbixiyay xaaladda arday reer Somaliland ee wax ka baranayay Jaamacdo ku yaal goobolka Tigreega oo ay dagaalo ka dhaceen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka  in ay jiraan jaamacado dib ula soo xiriiray ardayda si ay ugu  laabtaan waxbarashadii balse arrintaasi ay digiin ka soo saareen  oo ah in aanay ardaydu ku laaban Gobolka TIGREEGA Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ay kala hadlayaan arrimahaas six al loogu helo in jaamacado kale oo ku yaal Gobolada kale ee Itoobiya loogu wareejin lahaa Ardayda

Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa wax ku baran jiray Arday farabadan oo Soomaaliyeed, hayeeshee waxaa saameeyay dagaalkii halkaasi ku dhex-maray Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwii Jabhadda TBLF.