Gudoomiyaha gudiga dastuurka baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fakir ka dhiibtaan dastuurka dalka .
Maryan Cariif ayaa sheegay in dhalinyarado ay yihiin dub dhaxaad bulshada sidaas darteed ay haboon tahay in dhalinyarada ay banaanka soo dhigeen fikirkooda ku aadan hormarinta dastuurka dalka.
Maryan Cariif ayaa sheegtay in dhalinyaro ay leeyihiin dalka ayna haboontahay in ay keen fikir wanaagsan oo wax dhisaaya.
waxay sheegtay in fikradaha dhalinyarada laga soo aruuriyey la horkeen doono golaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya.


