Muqdisho-RisaalaFM- Deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan oo shalay uu ka dhacay dagaal xoogan ayaa waxaa maanta gaaray saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
Saraakiisha AMISOM ayaa warbaahinta u soo bandhigay 140-maydadka Al-shabaab ah kuwaasi oo lagu dilay dagaalka ka dhacay Halgan oo ka dambeeyay markii weerar ay soo qaadeen Al-shabaab.
Sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaa warbaahinta tusay in ka badan 100, Qori oo ah AK47 iyo Hub kale oo badan oo ay ku jiraan Bastoolada iyo Bam Gacmeedyo.
Saraakiisha AMISOM ee ku suganaa Xerada ay weerarka ku soo qaadeen Al-shabaab ayaa sheegay in ay u diyaarsanaayeen in ay ka hortagaan weerada Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen xero ay daganyihiin ciidamada AMISOM waxaana la sheegay in ay doonayeen in xeradaasi qabsadaan.

Xigasho: SONNA


