Gal-gala-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Buuraha Gal-gala ayaa waxa ay sheegayaan in 3-dii habeen ee u dambeeyay ay Diyaarado aan haybtooda la aqoon ay duqaymo ka geysanayaan halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaradahan ay ka imanayaan dhinaca badda, waxaana ilaa iyo hada aan la aqoon dalka laga lee yahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymaha qaarkood ay saameeyeen goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah iyo xoolo, inkastoo aysan cadeyn khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashay..
Goob jooge ku sugan deegaanka oo magaciisa diiday in loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in Diyaarado ay duqeymo ka geysteen Buuraha Gal-gala sidoo kalena duqeymahaasi ay sababeen khasaare.
Waxa uu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Diyaaradaha duqeymaha ka geysanaya Buuraha Gal-gala.


