Ururka Al-shabaab ayaa maanta waxa ay weerar toos ah ku qaadeen xero ciidan oo ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku taala deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday saacado badan inkastoo saraakiisha dowladda iyo kuwa Itoobiya ay markii dambe sheegeen in ay soo afjareen weerarkaas oo waliba ay ka hortageen dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday xerada ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Xigasho: SONNA


