Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Magaaladaasi lagu dilay Wasiir ka tirsanaa Hirshabeelle.
Wasiiru dowlaha Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame ayaa la xaqiijiyay in ay toogteen dabley hubeysan.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Waxaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray Ciidano tirsan Booliska Hirshabeelle, waana Wasiir labaad ee lagu dilo gudaha Jowhar Muddo bilooyin ah.



