Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa isku af gartay xilliga rasmiga ah ay bilaaban doonto qorshaha doorashada Soomaaliya gaar ahaan doorashada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
Inta ka horeysa ayuu qorshuhu yahay in la Magacaabo Guddiga doorashooyinka ee maamuli doona doorashada.
Waxaa sidoo kale qodobada lagu heshiiyay ka mid ah in labo Magaalo oo ka mid ah caasimaddaha gobolada maamul goboleed kaste ay ka dhacdo doorashada.



