Madaxweynaha Turkiga oo xariga ka jaray Safaarada Turkiga

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turiga ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhisamaha cusub ee Safaaradda Turkiga uu ka furanayo Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’uud Aweys oo ku sugnaa Xafladda furitaanka Safaaradda Cusub ee turkiga ayaa sheegay in labada Madaxeyne ay maanta oo Jimco ah si rasmi ah u fureen Safaaraddii ugu weyneyd ee Turkigu uu ka dhisto Caalamka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadda kulan kula leh dhismaha safaaradda Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya.