Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle, horena u soo noqdey Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi ayaa ku baaqay in dirirta la joojiyo, waxana uu ku eedeyay dagaalka in ay qayb ka noqdeen ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka jooga.
Dhinaca kale taliye Faarax Kooshin oo hoggaamiya guutada 5-aad ee ciidamada militariga Soomaaliya, ayaa eedda xildhibaanka waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxana uu sheegey in ciidamada ay qabtaan shaqada loo igmaday oo ah inay la dagaallamaan cadow, ee aysan shacab la dagaalin.



