Itoobiya oo laga diiwaangeliyay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Itoobiya Dr Liya oo soo bandhigtay warbixinta la xiriirta Arrimaha Cudurka safmarka ah ee Covid 19 ayaa sheegtay in 24kii saac ee lasoo dhaafay la baaray 5274 qof,balse 129 ka mid ah laga helay Cudurka.

Waxaa ay sheegtay Wasiirada in dadka Cudurka laga helay ay da’doodu u dhaxeyso 1 ilaa 70jir, waxaana kala yihiin 79 rag ah iyo 50 haween ah, dhamaantoodna waa ay yiiin dad u dhashay Itoobiyaan.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Addis ababa 85, Deegaanka tigray 11, Deegaanka soomaalida 10, Shucuubta koonfureed 7, Deegaanka axmaarada 6, Deegaanka oromiya 5, Diridhabe 4 halka Deegaanka cafarta uu joogo hal Ruux.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Itoobiya Dr Liya in 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ay Cudurka u geeriyooden laba ruux oo ku kala sugan Magaalooyinka Addis Ababa iyo Diridhabe,sidoo kalena ay Cudurka ka bogsadeen 111 qof.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegtay in Guud ahaan tan iyo markii Cudurka uu ka dilaacay Itoobiya la baaray 197,361 qof,oo 3759 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka, waxaana ka bogsaday 849 qof, iyada oo ay u geeriyoodeen 63 qof.