Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar culus ku qaadeen Xero Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin Magaalada dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay xerada oo ku taalla dhabarka dambe ee Garoonka Diyaaradaha Dhoobleey,waxaana la sheegay in Xeradaasi uu tababar uga socday in ka badan 300 oo askari oo aan hubeysneyn kana tirsan Ciidamada Darawaaiishta Jubbaland.
Dadka Magaalada Dhoobleey qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen,hayeeshee aysan weli ogaan khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
Taliye kuxigeenka Ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey Maxamed Cabdullaahi Koreyd ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.
Waxaa uu sheegay in intii uu dagaalka socday ay Al-Shabaab ka dileen laba xubnood,hayeeshee uusan faah faahin khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Ciidamada Jubbaland weerarka lagu qaaday Xerada Ciidamadooda ay ku sugan yihiin ee duleedka Magaalada Dhoobleey.
Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin dagaalka ay Ciidamada Jubbaland kula galen Xerada ku taalla dhabarka dambe ee Garoonka diyaaradaha Dhoobleey,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xaalada saaka ay degan tahay,balse Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan.



