Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka warbixisay howlaha gurmadka ah ee loo sameynayo dadkii ka barakacay iyo kuwii ku hanti beelay roobabkii daadadka watay ee 27-kii Bishaan ka da’ay Magaalada Khardho oo ka tirsan Gobolka Bari.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa marka hore waxaa loogu tacsiyadeeyey dadkii ku dhintey daadadka ku rogmaday Magaalada Khardho,sidoo kalena lagu sheegay in la Magacaabey Guddiyo dhowr ah oo gurmadyo kala duwan gaarsiiya Magaalada Khardho,isla markaana guddiyadaas ay qabteen Shaqooyin farabadan.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hay’adaha Caalamiga ah ay sameeyeen qiimeynta khasaarihii daadadku geysteen.
Madaxtooyada Puntland waxaa kaloo sheegtay in Guddiga uu diyaariyey raashin dhan 200 oo tan looguna talo galay 850 qoys,sidoo kale agab la siiyey dadkii daadka uu ka qaaday agabkii ay isticmaalayeen.
War-Saxaafadeedka Madaxtooyada Puntland oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Guddiga Gurmadka fatahaadaha Khardho ay warbixino u gudbiyeen Hay’adaha Caalamiga ah si ay kaalintooda uga qaataan gurmadka dadka loo sameynayo.
Ugu dambeyn Puntland waxaa ay ugu baaqday Hay’adaha UN-ka iyo kuwa Caalamiga ah inay dedejiyaan Gurmadka si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen daadadka Magaalada Khardho.






