Maamulka Shirkada Duulimaadyada Turkish Airline ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxyaabaha keenay iney joojiyaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ay ku imaan jireen garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Yahya Ustun, oo ah afhayeen u hadlay shirkada duulimaadyada Turkish Airline ayaa shaaciyay in sababaha keenay joojinta safaradooda Muqdisho ay tahay hawada Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn, sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka wuxuu sheegay in cimilada oo aan wanaagsaneyn iney ku qasabtay ineysan maalmihii ugu dambeeyay kasoo dagin magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahino kale uu bixiyo.
Su’aalo badan oo VOA ay weydiisay ayuu ka gaabsanayay kuwaasi oo ku saleysnaa dhanka amaanka dartii iney kaga baaqdeen safaradii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Waxaa la weydiiyay iney xogo kasii hayeen ruuxa la tuhunsan yahay inuu Daallo isku qarxiyay maadaama uu kamid ahaa rakaabkooda, waxaana uu shaaciyay in marnaba sababo amaan aysan uga baaqan duulimaadyadoodii magaalada Muqdisho.
Waxaa shaki badan dhaliyay qaraxii 2-dii Bishan February ka dhex dhacay diyaarada Daallo, maadaama rakaabka maalintaasi Daallo ay waday u diiwaan gashanaayeen shirkada laga leeyahay dalka Turkiga ee Turkish Airline.


