DHAGEYSO:- Shir looga hadlayay Mustaqbalka AMISOM oo Kenya ka dhacay

Gudiga isku xirka howlgalka Militari ee AMISOM ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxay kaga hadleen howlgalka militari ee ka socdo dalka Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saaray baahiyaha ciidamada AMISOM ee mustaqbalka.

Kulanka ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa shir gudoominayay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna taliyaha ciidamada AMISOM Francisco Madeira. Waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha midowga Africa ee nabad galyada Ismaciil Chergui, Maxamadesha Seyinu oo wakiil ka ahaa taliyaha ciidamada AMISOM iyo taliyaasha difaaca wadamada ciidamada ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa u mahad celiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo uu sheegay, iney wax badan ka qabteen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaana uu sidoo kale u mahad celiyay ciidamada booliska ee AMISOM ka tirsan.

Shirkaasi oo ka socdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa qorshaha uu yahay in laga soo saaro go’aano ku saleysan waxa laga yeelayo mustaqbalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo taageerada AMISOM laga taageerayo agabka ay u baahan yihiin.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya markii madaxweynaha dalka Kenya uu ka sheegay kulankii 26 ee midowga Africa ee lagu qabtay dalka Ethiopia iney muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.

Wuxuu soo jeediyay xiligaasi in ciidamada AMISOM laga taageero dhanka qalabeynta gaar ahaan diyaaradaha dagaalka oo uu sheegay iney u baahan yihiin.