Saraakiisha amaanka garoonka Kismaayo oo ka hadlay Qarax ay fashiliyeen

Ismaaciil Xasan Kheyre Taliyaha amaanka garoonka Magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka warbixiyay Qarax Miino oo ay Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ka saareen meel u dhaw garonka Kismaayo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka hortageen Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland isla markaana ay fashiliyeen qaraxaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Qaraxaasi lagu aasay meel u dhaw Garoonka Kismaayo ay masuuliyadiisa lahaayeen Al-Shabaab, waxa uuna xusay in ay doonaayay in ay ku dhibaateeyaan shacabka.
Taliyaha amaanka Garoonka Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan xaqiijinta amaanka garoonka Kismaayo.