Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay xayiraada dhinaca duulimadyada ah oo weli saaran Magalada Kismaayo kaas oo ay saartay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Maamulka Jubbaland in xanibaada duulimaadyada Jubbaland la saaray ay tahay mid baalmarsan Dastuurka dalka,isla markaana saameyn weyn uu ku yeeshay Shacabka ku nool deegannada Jubbaland.
Waxaa uu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu Dastuurka siinayo in uu tegi karo meesha uu doono,hayeeshee uu sheegay in aysan garan Karin dhibaatada intaasi la eg oo ay dowladda Federaalka u geysaneyso dadka Jubbaland.
Dhibaatooyin dhinaca Caafimaadka ah ayuu sheegay inay ka dhalatay xayiraada dhinaca duulimaadka ah ee lagu soo rogay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.



