James Rodriguez ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ku soo biira liiska dhaawaca Real Madrid kadib markii ay kooxdu xaqiijisay inuu dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii Sabtidii ay la ciyareen Real Valladolid.
Brahim Diaz, kaasoo dhaawac bowdada ah uu kusoo gaaray xerada tababarka Los Blancos intii ay kusugnaayeen Montreal ayaa kamiud ah liiska dhaawacayad Madrid
Dhibaatada murqaha ah ee Ferland Mendy soo gaartay intii lagu jiray safarka kooxdiisa ee ka horeeyay xili ciyareedka ayaa ah xaalad kale oo heysata kooxda Zidane
Luka Jovic oo dhaawac uu ka soo gaadhay jilibka markii ay isku dhaceen Jan Oblak ciyaartii saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen kooxda Atletico Madrid ee ka dhacday New Jersey ayaa isna maqan.
Xilliga ugu adag Real Madrid ayaa wajahday markii uu dhaawacmay Marco Asensio intii ay socotay ciyaar ay kooxdiisa la ciyaarayeen Arsenal oo ka dhacday Washington DC.
Thibaut Courtois ayaa noqday kii ugu dambeeyay ee dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaro kooxda markii uu dareemay xanuun canqowga ah.
in kasta oo soo kabsasho kujiro hadda wuxuu kamid yahay liiska dhaawacyada Hazard kaaasoo kulankiisii ugu horeyay ee Real Madrid dhaawac bowdada uu soo gaaray .
Eder Militao ayaa isna lagu sheegay warbixinta caafimaad ee ay soo saartay kooxda inuu kujiro xaald soo kabasho ah.
James ayaa noqday ciyaaryahankii sagaalaad ee ka dhaawacmay Reak Madrid muddo 47 maalmood ah taasoo ka dhigan in xaalada kooxda Zidane ay halis tahay .



