Weeraryahanka kooxda Chelsea Tammy Abraham, oo dhaliyay labo gool kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Norwich City kooxdiisa sabtidii, ayaa qarka u saaran inuu qandaraas cusub ka helo maamulka Blues.
Heshiiska ayaa sida la filayo lagu kordhin doona labo sano oo dheeraad ah heshiiska uu hadda kula joogo kooxda.
Waxaa sarre logu qaadi doonaa musharakiisa oo la gaarsiin doono isbuucii lacag dhan £ 100,000-, oo ay ku jirto gunada.
Iyadoo Callum Hudson-Odoi uu dhaawacan yahay, Abraham ayaa ah ninka ugu mushaharka yar kooxda koowaad ee Chelsea haatan.
Tani waxay timid kadib markii Mason Mount iyo Ruben Loftus-Cheek ay heshiisyo cusub u saxiixeen kooxdooda xagaagan.
Mount iyo Abraham ayaa labadoodaba wacdaro ka dhigay Championship xilli ciyaareedkii hore iyagoo u kala ciyaarayay kooxaha Derby County iyo Aston Villa, waxaana tababaraha cusub ee Chelsea Frank Lampard uu aaminey labada ciyaaryahan inay qaab ciyaareedkooda ka caawin karto Bules tartanka Premier League xilli ciyaareedkaan.
Qandaraaska cusub ee Mount wuxuu ku qaaataa £ 77,000-usbuucii, halka Loftus-Cheek uu haatan 150 kun ginni isbuucii mushaar u helo ka dib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub bilo ka hor.
Reece James, oo loo arko inuu yahay ninka bedeli doona Cesar Azpilicueta, ayaa sidoo kale qarka u saaran inuu helo qandaraas cusub.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaa durbaba ka fikireysa inay heshiis cusub siiso Abraham, waxaana labadii gool ee uu ka dhaliyay kulankii Carrow Road kaliya ay sii xoojisay rabitaankiisa kooxda ka dhisan Stamford Bridge.
21 jirka reer England ayaa saxiixay heshiis qiimahiisu yahay 50 kun ginni isbuucii sanadkii 2017, laakiin waxaa amaah loogu diray Swansea City isla markii lagu dhawaaqay heshiiska oo ahaa shan sanno.
Wuxuu amaah ku qaatay xilli ciyaareedkii 2018-19 Aston Villa waxaanan uu dhaliyay 26 gool isagoo ka caawiyay Villa inay ku soo laabtaan Premier League.
Abraham, oo xiran maaliyada No.9 ee Chelsea, ayaa la eegi doonaa inuu sii wado qaab ciyaareedkiisa gooldhalinta kulamada soo socda.
Lampard wuxuu si dhow ula shaqeynayaa Abraham qeybta tababarka si uu sarre ugu qaado awoodiisa gooldhalinta,
Weeraryahanku wuxuu dhaqan galiyay talooyinka macalinkiisa isla isbuucaan markii uu dhaliyay goolka guusha isagoo kubada ka tuuray banaanka diilinta ganaaxa.
Chelsea ayaa kula ciyaari doonta Sheffield United sabtida garoonka Stamford Bridge.



