Seedorf: Sharaf ayay ii tahay hadaan tababare ka noqdo Madrid

Clarence Seedorf ayaa sheegay inay u noqon doonto “sharaf” hal maalin haddii uu ku laabto kooxda Real Madrid isagoo macalin u ah.

Seedorf ayaa u ciyaaray Los Blancos intii u dhaxeysay 1996 iyo 1999, isagoo 159 kulan u saftay kooxdaan oo uu labo jeer kula guuleystay Champions League, sidoo kale wuxuu kula guuleystay La Liga.

Tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2014, 42 jirkaan ayaa macalin ka noqday kooxaha AC Milan, Deportivo La Coruna iyo Shenzhen, waxaana haatan ku sugan yahay xulka qaranka Cameroon.

Hatan Salori waxaa saaran culeys badan, iyadoo warar soo baxaya ay shegayaan in la ceyrin doono dhamaaadka xili ciyaareedkaan.