Alessio Romagnoli oo dalab ka helay Real Madrid & Chelsea

Kabtanka kooxda AC Milan Alessio Romagnoli ayaa xiiso waxaa u qaba kooxaha Real Madrid iyo Chelsea, sida laga soo xigtay Calciomercato.com.

Romagnoli ayaan sidoo kale xiiseyneynin inuu baxo, waxaana horay uu u diiday fursad uu ugu biiri lahaa Chelsea waayihii Antonio Conte

Inkastoo Romagnoli uu doonayo inuu ciyaaro tartanka Champions League, haddana Milan ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee horyaalka Italy sannadkan, waxaana laga yaabaa inuu fursad u helo xilli ciyaareedka soo socda inuu ciyaarto tartankaan.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa u arka da,yarkaan mid mustaqbal fiican ku leh kubadda cagta.