SAWIRO: Dhismayaashii ay Weerareen Al-Shabaab oo guud ahaan Burburay

Waxaa guud ahaan burburay  dhismayaashii waa weynaa kala ahaa Hotelada Maka Al-Mukarama, Hilaac UK, Kuwait Plaza iyo iyo guryo ku yaalla Hareeraha laamiga Makah Al-Mukaramah.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaaray dhismayaasha waxaana la sheegay in qaarkood ay ku burbureen Qaraxii Koowaad halka kuwo kalena ay ku dumeen intii uu socday howlgalka.