Khasaare ka dhashay rasaas u furay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada uu furay rasaas, waxaana ku dhawaacmay qof  dumar ah oo la sheegay in ay Shaah ku iibinaysay Kaabiga Isgoyska Taleex.

Askariga ayaa baacsanaayay gaari la sheegay in uu isku dayay in uu wadada xoog ku maro sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dhaawaca Haweenayda ayaa loo cararay Isbitaalka Daarul Shifa ee Muqdisho.

Askarta Ciidanka dowladda Soomaaliya waa ay kordheen bilihii ugu dambeeyay waxyeeladda ay u geysanayan dadka Shacabka, waxaana waxyeeladda ugu badan ay soo gaartaa dhalinyarada ka xeeya Gaadiidka Bajaajta.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Saakay xiray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho, waxaana jira qaar ka mid ah Gaadiidleyda oo isku daayay in ay Wadada xoog ku Maraan.