Inter Milan oo ku guuleysatay saxiixa Cedric Soares

Kooxda Kubada Cagta Inter ayaa Shaaca ka Qaaday In Ay Ku Guuleesteen Soo Qaadashada Daafaca Kooxda Southampton Ee Cedric Soares.

Daafacaan ayaa la sheegay in uu u duulay Gobolka Lambardia ee Magalaada Milan Si Uu U Dhameestiro Ku Biiritaanka Kooxda Inter Milan.

Inter Milan Ayaa Qaab Amaah Ah Haatan Ku Soo Qaadatay Xidigaan Iyagoo Bixin Doona 500,000 oo Gini waxayna Si Joogta ah Ula Wareegi doonaan Marka La Gaaro Xagaaga Waxayna Markaas iska Bixin Doonaan Aduun lacageed dhan 11-Milyan Oo Yuuro Ah.

Xidigaan ayaa Kal Hore lala Xiriirnaaye kooxo Badan Oo Ay Man United Iyo Barcelona Qeyb Ka Ahaayeen.

Cedric ayaa haatan u muuqda mid Helay kooxda Uu Mudnaa In Uu U ciyaaro waxaana La Rejeynayaa in uu Hormar Fiican Sameen Doono.

Inter ayaa Si fiican Ugu Tukaameysaneesa suuqa waxayna weli doonayaan in ay saxiixyo kale sameeaan.