Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa gargaar isugu jira teendhooyin, mara kaneeco iyo caagag waawayn oo biyaha lagu kaydiyo waxa uu gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah oo ku nool degmada Dayniille ee gobalka Banaadir
Wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimaha waaxda gargaarka ayaa gargaarka ku wareejiyay maamulka degmada Dayniille si ay ugu qaybiyaan qoysaska barakacayaasha ah.
Wasiir Xamsa Saciid Xamsa ayaa intaa kadib kulan uu la qaatay maamulka degmada iyo qaar kamid ah barakacayaasha waxa uu ka sheegay in gargaarka maanta uu ahaa hordhac, uuna ogyahay in uusan dabooli karin baahida jirta, isaga oo ballan qaaday in ay xoogga uu saarayo hannaankii gargaarka ay u baahanyihiin qoysaska si dhaqsa ah loogu gaarsiin lahaa.




