Barcelona ayaa qorsheeneysa in Umitti qaliin guuleesto loogu sameeyo Jilbka kasoo dhowr jeer sababay in uu maqnaado.
Hadii uu ciyaariyahanka aqbalo qaliinkaan waxa uu maqnaan doonaa muddo Shan Bilood ah sida uu warinaayo TV3 oo Spain ka soo baxa.
Xidigaan reer France ayaa Labo bilood kadib dhaawac ka soo laabtay isagoo saftay kulankiisii ugu horeeye sabtidi markaas oo ay la ciyaareen Atlatico Madrid.
Waxa uu la daalaa dhacayaa dhaawac Jilibka ah kasoo mudo badan ku soo laalaabtay, si loo xaliyo dhibaatada dhaawac ee Umtitti Barca xalka waxay u aragtaa in uu qaliin maro xidigaan.
Sikastaba Ha ahaatee dhaawacaan ayaa ah dhiibada ugu weyn ee kooxda Barcelona saameyn ku reeba.
Dhaqaatiirta kooxda Barcelona ayaa ku dadaali doona sida ugu dhaqsiyaha badan in ula tacaalaan dhibaatada Umtitti.



