Arsenal oo durba u dhaqaaqday beddelka Danny Welbeck.

Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si aad ah uga cabsi qabta in Danny Welbeck uu ka maqnaado illaa iyo xilli ciyaareedka inta ka dhiman, sidaas darteedna ay baadi goob ugu galeyso sidii ay beddelkiisa kusoo heli lahayd.

Welbeck ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarray kullankii Gunners Europa League-ga bareejada la gashay Sporting, isagoo awoodi waayay inuu neefta qaato.

Daily Mail ayaa laga soo xiganayaa in laacibkan la saari doono raajo ka dibna la kala caddeyn doono inuu qalliin u baahanyahay iyo in kale.

Waxaa hadda muuqdo xaalad aan u wanaagsanayn laacibkan, iyadoo laga cabsi qabo jabniin inuu ku jiro canqowga.

Tani waxa ay ka dhigantahay in inta ka dhiman xilli ciyaareedkan uusan matali karin Arsenal iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga.

Mail waxa ay ku warramaysaa inay kooxda reer London ka tashanayso laacibka reer England, isla markaasna beddelkiisaba suuqa January ay soo qaadaneyso, waxaana bartilmaameedkeeda koowaad ah Nicholas Pepe.

Weeraryahankan ayaa ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa, isagoo Siddeed gool dhaliyay, shan kalena caawiyay xilli ciyaareedkan, taasoo kooxdiisa ka caawisay inay booska saddexaad ka fadhiyaan horyaalka Ligue 1-ka France.

Gunners horay ayuu bartilmaameed ugu ahaa 23-jirkan, hase ahaatee, Pepe ayaa sheegay inuusan Lille ka dhaqaaqi doonin bartamaha xilli ciyaareedka ama suuqa January.

Hadda waxaa xiisahiisa inay xoojiso soo dedejiyay dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray Danny Welbeck.