Mucjisada heysta Degmada Mahadaay By: Axmed M. Muxudiin

Dagmadda MAHADAAY waa dagmo ka madi ah gobolka SH/DHEXE ee dalkeena SOOMALIYA ,waxaa mara wabigga SHABEELLE , dhanka beeraha ay caan ku tahay iyo dhaqashadda xoolaha oo nuuc walba leh marti soorka ,wadda noolaashaha , waa gurigii muufadda. Geela oo jooga dhanka buurta iyo lo’ gaduuda , idaha iyo wanka doolah weyn doyga daaq daain,shinida malka laga hello ,barisamaadkiina warshadii rasaasta mahadaay ee xooga dalka somaaliya ayaa ku tiilay,mashruucii beeraha kiliga shiinaha .

Aduunka waxaa uu ku xisaabtamaa bulsho iyo dhul degaan baaxad leh, waxayna kamid tahay dagamooyinka ugu dadka badan dhanka bulshadda gobolka sh/dhexe oo dhan ,waxaa hoos yimaado deegaano ay kamid yihiin:

CEELBARAF- CAADLEEY -BIYOCADDE- CALIFOOLDHEERE-MIIRTAQWA-BUURANE-SABCAJASIIRA-QURACMADOOBE BUURFUULE HURWAAY-CALAAG-FIIDOW- KILIGASHIINAH iyo kuwo kale oo tiro baddan halkaan lagu soo koobi karin . Dagmadda mahadaay waa dagmo qadiimi ah ” MAHADAAY WEYN” ku caanbaxady, dagmadda mahadaay waxaa ka soo baxay”Aaqoonyahno ,tujaar dhalin yaro ,iyo dumar ku caanbaxay karti lagu yaqaano “

Saameen muuqato ay ku leeyihiin guud ahaan soomaaliyo dhan , waxaad ka heli kartaa dad gaaray heerka ugu sareeyo siyaasadda sida madaxwene ,wasiiro hore ,generaal, macalimiin iyo maamulayaal ilaa heer jaamacadeed, korneel , saxafiyiin ,caalim diineed ,sida caalimka weyn ee soomaaliyeed SH/MAXAMUUD AW CABULLE CARIIF ,tujaar aad u faro badn oo leh HOTEELO aad u waaweyn oo xamar caan ka ah ,sida HOTEEL RAMADAN ,KAAH ,MAKKA AL MUKARAMAH , CITY PLAZA , iyo in kale oo badan.

Dhanka kale xaafadda ISLII ,waxaa ay kow kaga jiraan ganacsatadda wax muuqda ku leh guud ahaan keyna ninka ugu hantida badan waxaa uu ka soo jeedaa mahadaaay weyne , dagmadda waxaa ku dhashay madaxweynihii TFG SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED SHIIKH iyo madaxweyne CALI MAHDI MAXAMED .asne ku abtirsadda dhalsho ahaan

Dhanka kale ,aqristoow umadda dadaalka intaas la egg gaartay waxaa ka maqan xasuusta deegaankoodda ,maatida dayacan aan heysan adeeg bulsho haba yaraadee dhan kasta waa ka ardanyihiin, dhulka ay u dhasheen” waa sidii nabdi AADAN ku ogaa ” , walibana hanti iyo aqoon waa heestaan waxaa loogu magac daray” mucjisadda heysta mahadaay iyo inta hoos timaado allow ha nagu ridin ” .

xuuluhu waa xees daaq dadkuna waa xan daaq ,Caaqil yaabay oo dhaka faar awadiis labadda daan qabsaday oo dhawaaq muruga la socodo hoos ugu xantamay intaan idin kaga soo xigtay :

“Nin dharag la dangiigo misane dadkiisi dac cabaayaan

Nin darjadda DR heysto misane dadkiisi daacuun ka cabanaayo

nin dadkiisi diin ma heysataan lagu dilaa asne daawanaa

niman dhalaankoodi laga daabulaa misne diiday oran karin

niman dumarkoodi mujaahid aa damacay looga dan gaaraa

nimanki cali dawaad dilay dagaal kuma yareen tollow yaa danshay”

mahadaa 4 Mahadaay 1 Mahadaay 2 Mahadaay 3 Mahadaay