Qaar ka mid siyaasiinta dalka kenya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha kenya in uusan waxba ka qaban dhibaatooyinka soo gaaray ciidamada kenya ee ku sugan Soomaaliya.
Siyaasiintaan iyo sidoo kale xisbiga mucaaradka ee dalka kenya ayaa waxaa ay sheegeen in madaxweyne kenya looga baahanyahay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ciidanka Kenya uga soo saaro Soomaaliya,madam la sheegayo in tiro badan oo ka tirsan ciidanka kenya ay dhinteen.
Dhawaan muuqaalo ay soo saareen Ururka Al-shabaab ayaa lagu dhex arkay askar kenyaan kuwasoo lagu qabtay dagaalkii deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.
Madaxweyne Uhuuro Kenya ayaa wali ka walaacsan su’aalo badan oo ka imanaaya dadka shacabka, mucaaradka iyo siyaasiinta kuwasoo ku aadan joogitaanka ciidanka Kenya gudaha Soomaaliya.


