Juventus ayaa isku dayaysa in ay safkeeda ku qalabeeso xidigo da’yar oo mustaqbalka caawin kara Bianconeri, kadib saxiixii tarikhiga ahaa ee ay ku keeneen Cristiano Ronaldo.
Sida ay daabacday IIBianconero.com Juventu ayaa diyaar u ah in ay Manchester City kula dagaallanto xidiga Borussia Dortmund Christian Pulisic iyi SC Braga xidiga katirsan Francisco Trincão.
Juventus ayaana had iyo jeer ah koox ku wanaagsan waaxda dukaamysiga iyaga oo waqtiganna doonaya Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ku garaacaan saxiixyada labadan xidig.
Pulisic ayaa saaxiib dhaw la ah tababaraha kooxda Liveepool Jurgen Klopp kaas oo ay waqti ay soo wada shaqeen waayahoodi Brussia Dortmund, xidigan reer America ayaana lagu heli karaa adduun dhan 75-malyan oo gani.
Dhanka kale Francisco Trincão oo 19-jir ah ayaa lagu heli karaa adduun dhan 30-malyan oo Euro kaas oo uu qaab ciyaareedkiisa aad ula dhacsanyahay tababare Guardiola.



