Ciyaarahan oo katirsanaa kulamada u danbeeya heerka guruubyada ee koobka dunida ayaa kusoo idlaaday natiijooyinkii lasaadaalinayay.
Ciyaartii u dhaxaysay wadamada Denmark iyo France ayaa kusoo idlaatay barbarro goolal la aan ah.
Labada waddan ayaa soo bandhigay ciyaar kudheehan kubad 9haysi.
Xidigaha faransiiska ayaa ciyaarta inteeda badan kubadda ku damaashaadayay inkasta oo aysan usuurta galin in ay shabaqa gaaraan.
Xidigaha denmark oo dhankooda isku dayay in ay shabaqa gaaraan ayaysan usuurta galin.
Ciyaarta ayaana qaybtii loogu talagalay kusoo idlaatay 0-0 goolal la aan ah.
Ciyaartii kale ee katirsanayd guruubkan ayaa dhexmartay Peru iyo Australia.
Xidigaha peru ayaana hoggaanka u qabtay ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 18-aad waxana u saxiixay A.Carillo.
Peru o bandhiggeeda qurxoon sii wadata ayaa heshay goolkeedii labaad waxaana u saxiixay markan xaqiiqaxdii 50-aad xidigood p. Guerrero.
Xidigaha austaralia ayaysan usuurta galin in ay shabqa gaaraan ciyaarta ayana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-0 oo ay guushu kurraacday xulka Peru Kadib kulamadii laga ciyaaray guruubkan waxaa wareegga xoga u gudbay Denmarka iyo France halka peru iyo Austaralia ay isaga hareen koobka dunida.



