Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dhowaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ay ku gaareen magaalada Garowe.
Waxaana uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid qaldan, isagoona sheegay in 4.5 aan wax lagu qeybsan karin.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale tilmaamay in heshiiskaas ay waxyaabo badan ay ka qaldan yihiin oo la doonayo in la saxo.


