DHAGEYSO: Al-shabaab oo la wareegay degmada Aadan-yabaal.

Ururka Al-shabaab ayaa la wareegay gacanta ku haynta degmada Aadan-yabaal ee gobolka shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyey in hada ay Alshabaab la wareegeen Aadan-yabaal islamarkaana Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka ruqaansadeyn.

Maxamuud Sheekh xasan gudoomiyaha Aadan-yabaal ayaa sheegay in Ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa itoobiya ay aadeen dhanka gobolka hiiraan kadib ay Al-shabaab soo galeyn Magaalada.