Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ka qaaday Wasiirka diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya Iiman Abdullahi Ali.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegay xilkii laga qaaday Wasiirkaasi mana sheegin sababta.
“Waxaa xilkii laga qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Abdullahi Ali waxaana sii heynaya Wasiiru Dowlaha Mudane Abdihakim Hassan Ibrahim Ashkir”
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ayaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga u magacaabay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.



