9 qof oo ku dhimatay dagaal Beeleed

Ugu yaraan 9 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleed xalay ka dhacay degaano hoos yimaada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas ayaa sheegay in dagaalku uu salka ku haayay dul ay ku murmeen Beelaha dagaalamay.

Sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dagaalka ayaa ahaa mid xooggan , waxaana uu sheegay in ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 qof.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xasilinaayo Xaaladda hadda ka jirta duleedka degmada Maxaas.

Xiisad ayaa hadda ka taagan meelihii lagu dagaalamay ,iyadoona beelihii dagaalamay ay ishorfadhiyaan.