8 nin oo toogasho lagu xukumay Somaliland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland ayaa kusoo waramaya in maamulka Somaliland ay dil toogasho ah ku xukumeen 8 nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil loo geystay taliyhii qeybta Boliiska gobolka Saaxil.

Maxkamada Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeeysay raggaas in ay dileen taliyihii qeybta booliska gobolka Saaxil Marxuun Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf.

Xukunka lagu riday raggaan ayaa waxaa warbaahinta Somaliland u xaqiijiyay taliyaha maxkamada Darajada kowaad Yuusuf Faarax.