Shilka Gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa degaamnada Kilifi iyo Malin ee dalkaasi Kenya.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku djaceen laba Gaari, waxaana inta la xaqiijiyay shilka ku dhinray 7 Ruux halka 20 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo saarnaa labada Gaari ee isku dhacay.
labada Gaari ee isku dhacay oo ahaa luwa rakaabka qaada ayaa mid waxaa uu ka yimir Magaalada Mombassa halka midka kale uu ka yimid dhinaca degaanka Malindi, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Taliyaha Booliska Waqooyiga degaanka Kilifi ayaa sheegay in shilka uu ka dambeeyay kasib markii mid kamid ah Gawaarida oo si xowli ah ku socday uu midka kale ku dhacay.



