Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday xarun booliska lagu tababaro oo ku taala bannaanka magaalada Quetta ee koonfur Galbeed dalka Pakistan, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ka tirsan askartii tababarka ku jirtay iyo dhawr qof oo ilaalo ahaa.
Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa boqol qof oo kale.
Ragga weerarka soo qaaday ayaa cagta mariyay qaybta jiifka ee xeradaasi ciidam, waxa ayna qafaasheen tiro badan oo ka tirsan askartii halkaa degganayd.
Ciidamada Dowladda oou soo gurmaday ciidamada la weeraray, ayaa toogtay qaar ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday, haseyeeshee waxaana markiiba is qarxiyay qaar kale oo ka tirsan dableydaasi.
Ilaa haatan ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka dalkaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu rumeysan yahay in ragga weerarka soo qaaday laga soo hagayay gudaha dalka Afqaanistaan.


