4 Degmo oo galabta ku tartami doona Tartanka Degmooyinka Risaala

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala oo soo gaaray qeybihiisa ugu xiisaha badnaa ayaa waxa uu galabta Barnaamijku yahay mid ka duwan kuwii horey u soo dhici jiray.

Waxaa galabta jiri doona ilaa iyo 2 Tartan kulanka hore ayaa waxa uu dhexmari doona degmooyinka kala ah Dharkeynley iyo Howlwadaag halka sidoo kalena kulanka xiga uu dhexmari doono Wadajir iyo Awdheegle, maadaama la doonayo in gaba gabada Bisha Ramadaan uu soo idlaado Tartanka.

Degmooyinka Galabta tartamaya oo goor sii horeysay aan khadka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.

Shirkadda Cabitaanada COACA COLA ayaa sanadkan taaba geliso tartan aqooneedka Degooyinka Idaacadda Risaala.

Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.