3 qof oo lagu toogtay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow 3 qof  ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , gaar ahaan Xaafada Siliga Ameerikaanka.

Sidoo kale Kooxaha Hubeysan ayaa la sheegay in ay dhaawaceen 3 qof oo kalena.

Kooxihii dilka geystay oo Bastoolado watay ayaa goobta ka baxsaday sida ay Risaala u sheegeen Goobjoogayaal.

Dadka la toogtay ayaa la sheegay in ay hal meel ay wada joogeen.

Ilaa iyo hadda Ma cadda dadka la dilay waxa ay yihiin.

Faahfaahin kala soco Risaala.net