Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo 3 qof ku toogtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir , gaar ahaan Xaafada Siliga Ameerikaanka.
Sidoo kale Kooxahaasi waxaa ay dhaawaceen 3 qof.
Dadka la dilay iyo sidoo kale kuwa la dhaawacay ayaa waxaa ay ahaayeen dadka ka ganacsada Qaadka.
Kooxihii dilka geystay oo Bastoolado watay ayaa goobta ka baxsaday sida ay Risaala u sheegeen Goobjoogayaal.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta Gaaray , waxaana halkaasi ay ka wadaan Howlgallo ay ku baadigoobayaan Kooxihii ka dambeeyay dilka.
Magaalada Muqdisho ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhaayay dilka loo geysanaayo dadka shacabka ah.
Maamulka Degmada Wadajir iyo sidoo kale Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wali Faahfaahin ka bixin dilkaan degmada Wadajir loogu geystay dadka shacabka ah.


