Waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqayo qofka ku guuleystay xilka madaxweynaha Kenya

Dadka ku nool waddanka Kenya iyo meelo kale oo dunida ka tirsan ayaa weli dhagta u taagaya ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xudduudaha Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo IEBC, ayaa haysta toddobo maalin oo ka billaabanaya maalinta ay codaynta dhacday.

Taas waxay ka dhigan tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waqtigaas ah waxa u harayna ay yihiin saddex maalin oo ku eg Isniinta.

Si kasta oo ay dib ugu sii dhacdo ku dhawaaqista oo loogu dheeraado tirinta codadka, ugu dambayn Talaadada waxaa la og yahay magaca madaxweynaha cusub ee Kenya.

Waxaa suurtagal ah in waqti kasta oo hadda ka billowda lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah ee la wada sugayo.

Natiijada kuraasta baarlamaanka ayaa muujinaysa in ay si aad ah isugu dhow yihiin labada nin ee uu loollanka adag ku dhex marayo kursiga madaxweynaha, oo kala ah Madaxweyne ku-xigeenka, William Ruto iyo Raysul Wasaarihii hore Raila Odinga.

Xogta laga soo xigtay Guddiga Doorashada oo ay BBC-du ilaa hadda hayso waxaa ku cad in tirinta codadka uu hoggaaminayo Ruto, inkastoo Odinga uusan wax badan ka fogayn.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in wakiillada 120 deegaan-doorasho ay soo gudbiyeen natiijada, waxaana tirada guud ee la sugayay ay ahayd 291 deegaan-doorasho.

Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirinka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay.