Gudoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya Sanatar Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in qorshaha waqtiga ay bilaabaneyso codbixintu ahaa 11 barqanimo ee maanta balse dib u dhac ku yimid kadib markii laga soo daahay Hoolka doorashada.
Guddoomiyaha oo la hadlayay Xildhibaannada wuxuu goobta goobta doorashada ka sheegay in codeyntu bilaaban doonto 2:00 duhurnimo kadib markii Xildhibaannada iyo musharrixiinta ay soo dukadaan soona qadeeyaan.
Wali waxaa hoolka doorashada Madaxweynaha ee Teendhafa Afisiyooni ka ka maqan qaar ka mid ah xildhibanaada iyo musharixiinta Madaxweynaha.



